1 min read

Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga.

Kismaayo :- Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Shir gudoomiyay kulan lagaga hadlayay dardar galinta howlgalada kasocda deegaannada Jubbaland ee lagu cirib tirayo kooxaha khawaariijta ah.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga General Yusuf Osman iyo taliyayaasha Ciidamada iyo Hay’adaha amniga maamulka Jubbaland iyo Ciidamada Xooga dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwaan ee Howlgalka ku jira kuwaas oo jab xooggan gaarsiiyay maalmahii lasoo dhaafay kooxaha Khawaariijta ah.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalada ilaa hada la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka loona baahan yahay in lasii joogteeyo si cadowga la isku raaciyo.

Dhanka kalena shacabka reer Jubbaland ayuu ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Khawaariijta looga hor wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan.