1 min read

Ciyaaryahankii Man-City ee lagu eedeeyay in uu 10,000 haween ah kufsaday oo lagu waayay wax dambi ah.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Manchester City Benjamin Mendy ayaa lagu waayay wax dambi ah inuu kufsaday haweeney iyo inuu isku dayay inuu kufsado mid kale.

28-jirkan ayaa lagu eedeeyay inuu haweeney 24-jir ah ku weeraray gurigiisa £4m ee ku yaalla Motram St Andrew, Cheshire bishii Oktoobar 2020-kii.

Mr Mendy ayaa sidoo kale lagu eedeeyay isku dayga kufsiga haweeney kale, oo 29 jir ah, taasoo oo la sheegay inuu sidoo kale ku faraxumeeyay gurigiisa labo sano ka hor.