1 min read

Qaramada Midoobay: Suudaan waxaa ka socda dagaal sokeeye kii ugu xumaa

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada, Martin Griffiths, ayaa sheegay in Suudaan uu ka socdo dagaal sokeeye kii ugu foosha xumaa.”

Hadalka Griffiths, ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda gobolka ay shir ku yeesheen dalka Itoobiya, si ay u xalliyaan xiisadda ka aloolsan dalka Suudaan.

Madaxda Dalka Masar, ayaa sheegay in Khamiista soo socota ay martigelin doonaan madax ka socota dalalka deriska la ah Suudaan, si  xal loogu helo colaada dalkan ka taagan.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada, ayaa ku tilmaamay dalka Suudaan, meesha ugu adag ee iminka ay ka howlgalaan shaqaalaha gargaarka bini’aadannimada ku howlan, isagoo ka digay in xaalku uu sidan ka sii xumaan karo markasto oo uu dagaalku sii balaarto.