1 min read

Wasiir Fiqi oo qurba joogta Soomaaliyeed ku ammaanay doorka ay ka qaateen maal gashiga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane, Axmed Macallim Fiqi, oo ka qeybgalay meertada 2-aad ee shirwaynaha qurba joogta Soomaaliyeed  oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa khudbad uu kajeediyay waxaa uu sharraxay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha xoraynta dalka, la dagaallanka fikirka iyo maaliyadda ee kooxaha khawaarijta.

Mudane, Axmed Macallim Fiqi waxaa kale uu kala hadlay Arrimaha Xasilinta goobaha dhawaan laga xoreeyay khawaarijta, sarraynta sharciga iyo geeddi socodka Dowladnimada dalka oo ay hoggaanka ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

Ugu dambayn, Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah uga mahadceliyay Qurba joogta Soomaaliyeed ee kasoo qaybgalay Shirwaynaha 2-aad ee Qurba joohgta Soomaaliyeed sida xoogga leh ee ay uga qayb qaateen maal gashiga dalkeenna hooyo ee Soomaaliya.