1 min read

Cambodia oo Ukraine uga digtay Isticmaalka Bambooyin halis ah ee uu Mareykanka ugu deeqay.

Dalka Cambodia oo khibrad xanuun badan ka dhaxlay Duqeyntii Maraykanka uu u adeegsaday Bambooyinka Clusterka muddo haatan laga joogo Nus Qarni ayaa Baaq u dirtay Dowladda Ukraine oo layaga yaabo inay qorsheyneyso Isticmaalka Bambooyinka ay dowladda Maraykanka ugu deeqay.

Ra’isul-wasaaraha dalka Cambodia, Hun Sen, ayaa fariin u diray Madaxda dalka Ukraine, isagoo ku booriyey inaysan adeegsan Bambooyinkan halista badan ee loo yaqaanno Cluster Bombs.

Hun Sen, ayaa tilmaamay inay khatar weyn ku noqon doonto dadka Reer Ukraine ilaa boqolka sano ee soo socda, haddii ay Bambooyinka Clusterka u adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Ruushka.

Baaqan ayaa soo baxay, kadib, markii ay Dowladda Maraykanka ku dhawaaqday Qorshaha ay Ukraine ugu dirayaan Hubkaasi, si ay ugu adeegsadaan Dagaalka ay Milliteriga Ruushka kula jiraan.