2 mins read

Ciidamada badda ee Maraykanka oo aan ‘Taliye rasmi ah lahayn’ markii ugu horraysay muddo 100 sano ah.

WASHINGTON — Ciidamada Badda ee Maraykanka ee loo yaqaano “US Marine Corps” ayaa taariikhda markii ugu horraysay muddo 100 sanno ah, waxay noqdeen kuwo aan lahayn hoggaan rasmi ah oo haysta ansixinta golaha Senateka, ka dib markii uu Isniintii xilka ka degey taliyihii ciidamadaasi, xilli mudanayaasha xisbiga Jamhuurigu ay hor istaageen inay ansixiyaan taliyaha cusub ee bedeli lahaa.

Taliyaha xilka ka degeya General David Berger ayaa la wareegay hoggaanka taliska 38aad, bishii July ee sannadkii 2019, waxaana sharcigu dhigayaa, inuu jagadaas hayo muddo afar sannadood ah.

General Eric Smith, oo haatan ah kaaliyaha taliyaha, ayaa loo magcaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee ciidankan, isaga oo haatan ku sii shaqayn doona, ku-sime ahaan, maadaama aanu weli helin ansixinta golaha Senate-ka ee Maraykanka.

Sida sharciga Maraykanku dhigayo, General Smith, ayaa ku shaqayn kara sii hayaha taliyaha ciidanka, hase ahaatee waxaa jira hawlo badan oo aanu qaban karin, ka hor intaa aanu helin ansixinta.

General Smith ayaan loo ogolayn inuu isticmaalo xafiiska taliyaha, ama inuu u guuro dhismaha loogu talo galay taliyaha ciidanka, ama inuu sameeyo qorshayaasha hawlgalka ee ciidanka, kuwaas oo dhammantood ah, hawlo u gaar ah taliyaha guud.

Hawlaha uu qaban karo, inta uu yahay ku simaha waxaa ka mid ah, inuu dhaqangeliyo siyaasado cusub oo khuseeya, miisaaniyadda, tababarada iyo go’aanada khuseeya shaqaalaha.

Ansixinta taliyahan cusub waxaa hortaagan Senator Tommy Tuberville oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto gobolka Alabama. Senator Tommy ayaa sidoo kale hor istaagay ansixinta saraakiil kale oo sarsare oo ka tirsan ciidamada milateriga.

Senatorka ayaa si weyn u diiddan go’aanada wasiirka difaaca ee Maraykanka, gaar ahaan, in wasaaradda gaashaandhigu ay bixiso kharashaadka safarka ee shaqaalaha, marka ay aadayaan gobollo kale, si ay u soo helaan adeegyo caafimaad oo la xidhiidha, sidii ay ilmaha isaga soo ridi lahaayeen ama adeegyo kale oo caafimaad arrimahaas khuseeya.

Gobolka Alabama ayaa haatan sharci-darro u arka, in ubadka la iska soo rido.

AP