1 min read

Ciidamada Danab iyo Gorgor oo burburiyey fariisimo Al-Shabaabku ku lahayd deegaano ka tirsan Galgaduud

Galcad :- Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo ay Khawaarijtu ku lahayeen deegaano hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka ayaa howlgalka ka fuliyey Baraag Sheekh Caamir, Ceel-dhigtaar, Ceel-ciid iyo deegaano kale, Taliyaha ururka 9-aad ee Gor Gor Dhamme Cabdiwali Axmed Xuseen oo howlgalka hoggaaminayey ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa baacsiga haraadiga Khawaarijta iyo burburinta goobaha ay ku dhuumaaleystaan.

Taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku nool deegaanadaas oo lasoo wadaaga xogta Khawaarijta dhuumaaleysiga ah, sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan waxay u kuur-galeen xaaladda nololeed ee bulshada deegaanadaas.