1 min read

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan ku lug lahayn dagaalka Laascaanood.

Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay, in Somaliland, shacabka reer Laascaanood iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, aysan ku lug lahayn dagaalka Laascaanood balse ay ku lug leeyahay maamulka Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo mar ka hadlayay dagaalka Laascaanood ayaa yiri:

‘Arriinkaa Somaliland ma waddo, shacabka reer Laascaanoodna ma wado, cidda arrinkaa dabada ka wadda ee ciidankaa shalay soo rartay ee dagaalka maanta hageysa waa madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Deni’.

‘Shalay baa u dambeysay oo ciidan Garoowe ka soo qaaday, aagga Tukaraq ayay soo dageen, marka waxaynu caalamka u sheegeynaa, in inaga iyo shacabka reer Laascaanood aan bari ka nahay dagaalka, cidda arrintaa waddana ay tahay maamulka Puntland, ma aha maamulka Xamar, ma aha maamulka Soomaaliya’ ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Wasiir Kaahin ayaa kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay xaflad tababar loogu soo xirayay shaqaalaha dawladda oo bartay arrimaha dastuurka iyo waddaniyadda.