1 min read

RW Xamsa oo ka qeybgalay xaflad loogu mahadcelinayay Guddigii qaban qaabada xuska Xoriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad ku qabsoomtay degmada Yaaqshiid oo loogu mahadcelinayay guddigii  ka shaqeynayay toddobaadka Xorriyadda dalkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey guddigii loo xilsaaray abaabulka iyo qabsoomidda  toddobaadka Xorriyadda dalkeenna sidii wanaagsaneyd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda oo dalka oo dhan si mug leh uga qabsoomay, iyada oo xubnaha guddiga la guddoonsiiyey shahaado sharafeed.   l