1 min read

War Deg Deg ah: Madaxweynaha Turkiga oo ugu danbayn oggolaaday ku biiritaanka Sweden ee Nato.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ogolaaday inuu taageero qorshaha Sweden ee ku biirista Nato, sida uu sheegay madaxa gaashaanbuurtaasi, Jens Stoltenberg.

Waxa uu sheegay in hogaamiyaha Turkiga uu u gudbin doono dalabka Sweden, baarlamaanka Ankara isla mar ahaantaana uu “xaqiijin doono ansixintiisa”.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa dhankiisa sheegay in “aad ugu faraxsan yihiin arrintan’ isaga oo sii raaciyey in Sweden ay u tahay maanta ‘maalin qiimo leh’ .

Turkiga ayaa horey u hakiyay hanaanka ansixinta qorshahaas, isagoo ku eedeeyay Sweden inay marti gelisay mintidiinta Kurdiyiinta.

Horaantii, Turkigu wuxuu u muuqday inuu sameeyay dalab cusub oo isku xidhaya arrinta xubinnimada Sweden iyo wada xaajoodka uu isagu ku doonayo in uu ku biiro Midowga Yurub.