1 min read

Bisha June oo noqotay bishii ugu kululeyd.

Hay’adda Cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay heer kulka sare ee laga diiwaan geliyey Aduunka.

Xogtii u dambaysay ee Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) waxay muujinaysaa in dunidu ay bishii June aad u kululaatay, iyada oo ay la socoto heer kulka badda ee ugu sarreeya ee la diiwaan geliyo ee waqooyiga Atlantic iyo heerka ugu hooseeya ee barafka badda ee la diiwaan geliyo ee qaarada Antarctic.

Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in isbedeladani ay ka dhasheen isbadalka cimilada oo ay biniaadamka sababaeen.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in isbeddelladan hadda socda ay saameyn xun ku yeelan doonaan nidaamka deegaanka.