1 min read

Erdogan oo war hor leh ka soo saaray damaca Sweden ay ku dooneyso inay kaga mid noqoto NATO.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu uu taageeri doono qorshaha ay Sweden ku dooneyso inay kaga mid noqoto Nato haddii Midowga Yurub uu furo wadahadalka xubinimada dalkiisa.

Madaxweynaha ayaa sidookale ka digay inaan cidna ka sugin inuu tanaasul ka sameeyo dadaalka Sweden ee ku biirista NATO.

Gelinka dambe ee isniinta ayaa lagu wadaa inuu wadahadal la yeesho ra’iisul wasaaraha Sweden.

Erdogan ayaa is hortaagay codsiga Iswiidhan ee NATO tan iyo sanadkii hore. Waxa uu ka cabanayaa in ay ku guul darreysatay in ay wax ka qabato maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee lagu tuhmayo in ay halkaas ku nool yihiin.