July 8, 2023
Wararkii ugu dambeeyay Duqayn loo gaystay Laascaanood iyo khasaaraha ka dhashay
Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ayaa sheegay in abbaare salaaddii duhur ay madaafiic ku dheceen qaybo kamida magaalada kuwaasi oo dhaliyay tiro dhimasho iyo dhaawac ah. Mid kamida madaafiicda ayaa ku dhacay goob maqaaxi ahayd oo ay dad badan ku sugnaayeen. Sisoo kale isbitaalka guud ee ee qaybta shaybaarka ee magaalada ayaa lagusoo warramayaa […]
Banaanbaxyo maanta mar kale ka dhacay Nairobi.
Booliska dalka Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan dad u dhaq dhaqaaqa xuquuqul insaanka oo ku baaqaya in la sii daayo tobaneeyo qof oo lagu xiray dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo dhacay Jimcihii shalay. Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya qiiqa sunta dadka ka ilmeysiisa ah oo […]
Chile oo dabargo’ ka badbaadineysa daameero duurjoog ah oo ku noolaa deegaannada Soomaalida.
Dameer duurjoog ah oo ka mid ah kuwa naadir ah ka ah dunida, oo asal ahaan intooda badan ku noolaa deegaannada Soomaalida ayaa ku ilma dhashay beerta xayawaanka ee dalka Chile, taasi oo rajo ku abuurtay in noolahan sida weyn usii dabar go’aya ay kordhaan, waxaana dameeraha noocan ah ee hadda ku nool dunida oo […]
Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda waxaa ka go’an in ay ka maaranto kaalmo shisheeye”
Dal waxaa horumariya dadkiisa oo garab istaag buuxa siiya Dowladda si loo gaaro isku filnaansho buuxa oo dhan waliba ah. Soomaaliya, waxaa kaalmo buuxa siiya dalal shisheeye, waxayna kaalmadaas ka timaadaa canshuur dad kale laga qaaday, sababta canshuurta loo qaadayo waa in ay Dowladdu bixiso qarashaadkeeda haddii ay tabay caafimaadka, waxbarashada, nabadgalyada,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo […]
Ciidamada ATMIS oo Sh/Hoose ku dilay maleeshiyaad Al-Shabaab ah.
Ciidamada ATMIS eek u sugan Gobolka Sh/Hoose,gaar ahaan Magaalada Baladul-Amiin ayaa dilay qaar kamid ah kooxaha khawaarijta oo doonaayey in ay isku dayaan weeraro gaadmo ah oo ay ka fuliyaan halkaasi. Afhayeenka ciidamada ATMIS Lt Col Abdullahi Hassan Ganale (KDF) oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa sheegay in deegaanka Baladul-Amiin ay ku dileen […]
Wasiirka Gaashaandhigga oo kala wareegay hoggaanka ATMIS Lix Saldhig (WARBIXIN)
Horumar la taaban karo ayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaareen, waxa ayna maalintii khamiista aheyd ku dhawaaqeen in ay ku guuleysteen in ay la wareegaan fariisimihii ay hore u hayeen 2,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo qeyb ka ah qorshe dhimis lagu sameeyay ciidamada […]
Xujaaj fara badan oo dalka dib ugu soo labtay, kadib markii ay dhamaatay Acmaasha Xajka.
xujayda Soomaaliyeed ee soo gutay waajibka Xajka ayaa dalka dib ugu soo laabanaya sida uu Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Madaxa hawlgelinta Gudidda Arrimaha Xajka Soomaaliya Mudane Yoonis Cismaan Axmed. In ka badan 18 duullimaad ayaa ka soo degay Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya kuwaas oo siday 2000, laba kun oo xujay Soomaaliyeed ah,iyadoo sida qorshaha yahay maalmaha […]
Dagaal Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ku dhexmaray inta u dhaxaysa Rabdhuure iyo Waajid.
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee ismaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalmeyaal ka tirsan kooxda Al Shabaab ay weerar la beegsadeen ciidamo Itoobiyaan ah. Weerarka oo ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Rabdhuure iyo waajid ayaa la sheegay in uu ku bilowday qarax lala eegtay kolonyo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, balse warbaahinta ku […]
Faah faahin ku saabsan Dabkii bur buriyay Suuqii Magaalada Jig jiga.
Waxaa lagu guuleystay in saaka lasoo afjaro dab xalay ka kacay suuq weyn oo ku yaal magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida kaas oo geystay khasaara badan oo aan weli la tira koobin. Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin heer fadaraal iyo deegaan isugu jira ayaa sida lagu sheegay warbaahinta dowlad […]
Booliiska Soomaaliya oo xalay gacanta ku dhigay nin lagu tuhmay Shabaabnimo.
Ciidanka Booliska Qaybta Weliyow Cadde ayaa fiidnimadii xalay gacanta ku soo dhigay ninkan, oo hadda lagu baarayo xarumaha laamaha amniga ku leeyihiin Magaalada Muqdisho. Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamadu ay ninkan ka soo qabteen bar kontorool, oo ay ku leeyihiin agagaarka Isgoyska Albarako ee Degmada Hodan. Taliska ayaa qoraal ku sheegay […]