1 min read

Booliiska Soomaaliya oo xalay gacanta ku dhigay nin lagu tuhmay Shabaabnimo.

Ciidanka Booliska Qaybta Weliyow Cadde ayaa fiidnimadii xalay gacanta ku soo dhigay ninkan, oo hadda lagu baarayo xarumaha laamaha amniga ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamadu ay ninkan ka soo qabteen bar kontorool, oo ay ku leeyihiin agagaarka Isgoyska Albarako ee Degmada Hodan.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in ninkaasi looga shakisan yahay in uu ka tirsan yahay maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii uu dhowr jeer ku soo noqnoqday bartaasi kontorool.

“Waxaana la marsiin habraaca baaris ee sharcigu jideeyay, hadduu Alle idmo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Khamiistii, ciidamada amniga ayaa Degmada Howlwadaag ka soo qabtay nin loo haysto Shabaabnimo, kaas oo ku eedeysan in uu ku lug lahaa dilka nin Sarkaal Booliska ka tirsanaa loogu gaystay Degmada Waaberi.

Xaaladda amni ee Caasimadda Muqdisho ayaad mooddaa in muddooyinkii ugu dambeysay ay ka soo reynaysay.