1 min read

Xujaaj fara badan oo dalka dib ugu soo labtay, kadib markii ay dhamaatay Acmaasha Xajka.

xujayda Soomaaliyeed ee soo gutay waajibka Xajka ayaa dalka dib ugu soo laabanaya sida uu Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Madaxa hawlgelinta Gudidda Arrimaha Xajka Soomaaliya Mudane Yoonis Cismaan Axmed.

In ka badan 18 duullimaad ayaa ka soo degay Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya kuwaas oo siday 2000, laba kun oo xujay Soomaaliyeed ah,iyadoo sida qorshaha yahay maalmaha fooda nagu soo hayo la soo dhamaystiri doono soo guryo noqoshada xujayda.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sh Mukhtaar Roobow ayaa dhowaan amray in si deg deg ah loo soo amba bixiyo Xujayda Soomaaliyeed ee soo gutay waajibka Acmaasha Xajka kuna soo guryo noqonaya guryahooda.