1 min read

Faah faahin ku saabsan Dabkii bur buriyay Suuqii Magaalada Jig jiga.

Waxaa lagu guuleystay in saaka lasoo afjaro dab xalay ka kacay suuq weyn oo ku yaal magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida kaas oo geystay khasaara badan oo aan weli la tira koobin.

Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin heer fadaraal iyo deegaan isugu jira ayaa sida lagu sheegay warbaahinta dowlad deegaanka waxay gaareen suuqa magaalada Jigjiga ee xalay gubtay.

Masiibaddan dabiiciga ah oo keentay khasaare hantiyeed oo badan ayaysan cidina ku dhiman sida ya dowladdu xaqiijisay, waxa uuna madaxweynuhu sheegay in ay dowlad ahaan taageeri doonaan dadka ku hanti waayey suuqa.

Waxaa xalay suuqa usoo gurmaday dadweynaha magaalada Jigjiga iyo sidoo kale gurmad kasoo gaaray magaalooyinka soomaalida ee deegaanka iyo meela kale. Duqa magaalada Hargeysa ayaa keenay ciidan iyo gaadiid gurmad ah isaga oo Jidjiga yimid xalay.