1 min read

Wararkii ugu dambeeyay Duqayn loo gaystay Laascaanood iyo khasaaraha ka dhashay

Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ayaa sheegay in abbaare salaaddii duhur ay madaafiic ku dheceen qaybo kamida magaalada kuwaasi oo dhaliyay tiro dhimasho iyo dhaawac ah.

Mid kamida madaafiicda ayaa ku dhacay goob maqaaxi ahayd oo ay dad badan ku sugnaayeen.

Sisoo kale isbitaalka guud ee ee qaybta shaybaarka ee magaalada ayaa lagusoo warramayaa in madaafiicdu ay waxyeelleeyeen kaddib markii mid kamida uu ku dhacay.

Isbitaalka ayaa horraan waxa bur buriyay dagaallaadii cuslaa ee ka dhacay Laascaanood iyadoo dib loo dayac tiray.

Haatan ayaa sidoo kale lagusoo warramayaa in dagaal uu ka socdo duleedka magaalada kaasi oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka.