2 mins read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda waxaa ka go’an in ay ka maaranto kaalmo shisheeye”

Dal waxaa horumariya dadkiisa oo garab istaag buuxa siiya Dowladda si loo gaaro isku filnaansho buuxa oo dhan waliba ah.

Soomaaliya, waxaa kaalmo buuxa siiya dalal shisheeye, waxayna kaalmadaas ka timaadaa canshuur dad kale laga qaaday, sababta canshuurta loo qaadayo waa in ay Dowladdu bixiso qarashaadkeeda haddii ay tabay caafimaadka, waxbarashada, nabadgalyada,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo howlaha guud.

Haddii si kale u dhigno, canshuurtu waa qarash ay Dowladdu dul saarto alaabaha iyo hantida ma guurtada ah, dakhliga soo gala qofka ama ganacsiyada iyo mulkiilayaasha mehradaha.

Amni buuxa iyo caafimaad tayo ah leh in la helo waxaa udub-dhexaad u ah canshuurta dalka oo la bixiyo si ay Dowladdu awood buuxda ugu yeelato bixinta adeegyada bulshada aas-aasiga u ah.

Canshuur bixiyaashu, waa in ay fahmaan bixinta canshuurta in ay tahay waajib saaran qof walba oo muwaadin ah in dadku canshuurtu bixin micnaheedu waxay tahay in dowladdu shacabkeeda la xisaabtami karin. Soomaaliyana ay sii ahaato dal canshuur bixiyeyaal kale lacag ka suga, waana sababta keentay in madaxdu ku baaqaan in la bixiyo canshuurta.

Madaxweynaha Jamhuutiyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad bulshada Soomaaliyeed ugala hadlay mudnaanta ay leedahay canshuurta, wuxuu sheegay in muhiim ay tahay canshuurta ay Dowladdu ugu baahan tahay shacabka si dowladda uga maareynto dawarsiga dalalka kale.

” la qarin maayo canshuurta inaan dhiibno waaye, lacagta aan ku yeelan lahayn inaan la imaano waay, maanta wali waxaan joognaa ciidamadeenu wali dad kale ayaa lacagta noo siiyo, nolosha qaarkeed Dowladdu wey bixi, laakin waxay dowladdu bixiso kuma filno waa la kabaa dad kale noo kaba, canshuur wiil kale iyo gabar kale oo dal kale ku nool oo waxay nala wadaagaan jirin oo Diin nala wadaagin oo dadnimo nala wadaagin oo qaaradda aan ku nool nahay ku oolin, war anaga maxaa nahay kan dhuumanaya ee canshuurta ka dhuumanaayo, shabaab ayaa ka cabsanaa Kan leh Dowladda lama shaqeyn karo, war waxaas wax ma ahan howln ma ahan,”.

Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in aysan macquul ahayn in ay soo tuugsadaan lacagaha lagu kabo mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo Soomaaliya haysato kheyraad ku filan, waajibaadka Dowladda ayuu madaxweynuhu tilmaamay ka hortagga dadka dhacaya canshuuraha ay bixiyaan dadka kale.

Haddaba inagoo taas ka tixraaceyna muhiimadda ay leedahay canshuurta, waa in bulshada Soomaaliyeed xil iyo ahmiyad gaar ah iska saaraan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurta ,ayagana ay dhankooda u heli lahaayeen adeegyada aas-aasiga u ah ee Dowladdu looga baahnaa.