1 min read

Wararkii ugu dambeeyay duqen Israa’iil ka gaysatay Xerada Jeniin ee Falastiin iyo sawiradii la helay.

Israa’iil ayaa howlgal militari oo aad u ballaaran ka billowday Daanta Galbeed ee la haysto. Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan 3 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen kuwa kalana ay si xun u dhaawacmeen, kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ay fulisay diyaarad dagaal oo Israa’iil leedahay.

Waxaa la arkayay duqeynta kadib qiiq iyo uuro holac wadata oo cirka isku shareertay waxaana la aaminsanyahay in duqeynta lala beegsaday guryo iyo xaruumo kale.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya tobanaan Falastiiniyiin ah oo hubaysan oo wajiyada soo duubtay, kuwaas oo ku sugan dariiqyada xerada Jeniin.

Dhanka kale duulaanka Jenin ayaa weli socda, iyadoo kumannaan ka tirsan ciidamada Israel la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday magaalada kutaalla Daanta Galbeed.

Waa kuwan qaar ka mid ah sawirada aan ilaa hadda oo katurjumayo sida ay xaalada tahay.