1 min read

Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billaabanayo G/Galgaduud

Dar dargelinta howlgalka wejiga labaad ee ka dhanka ah khawaarijta oo ka billaabanayo degaanno katirsan Galgaduud.

Waraka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa ku soo waramaya in halkaa uu ka soconayo abaabulka Howlgallo ka dhan ah khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab,iyadoo Shalay uu halkaa gaaray taliyahay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow,oo kormeeray degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer,isagoo ciidamada u Sheegay in ay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee howlgallada khawaarijta looga saarayo degaanada fara ku tiriska ah ee ay kaga suganyihiin gobolada dalka.

Howlgalkan oo dowladda qorsheysay in si ka duwan kii hore loo wajaho ayaa waxaa ka qey qaadan doonno dowladaha safka hore,si loo tir-tiro kooxaha katirsan khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayo degaanno katirsan Gobolada dalka.