1 min read

Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya oo ka wada hadlay Amniga degaannada laga saaray Al-Shabaab.

Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya kulan gaar ah ku yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka ATMIS iyo Taliyaha Booliska ATMIS.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga wada hadlay dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta ee ka socda deegaannada cusub ee dhowaan la xureeyay ururka Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla Gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyay Madaxda howlgalka ATMIS taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo ka caawinta dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in Ciidamada ATMIS ay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeeysa Ciidamada dowladda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamo kumanaan gaaraya oo ka socda qaar kamid ah wadamada Afrika, iyaga o ku howlgallka Magaca ATMIS, kana taageera dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.