July 3, 2023
Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray magaalada Kismaayo.
Muqdisho.:- Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana munaasabadda goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Dhuumaal, Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed iyo saraakiishii tababarka bixinaysay. Tababarkaan oo socaday muddo labo bilood ah […]
Wasiir Mukhtaar Roobow oo amray in si deg deg ah loo soo celiyo xujeeyda Soomaaliyeed
Muqdisho:-Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha xujeyda Soomaaliyeed ee Acmaasha xajka soo dhameeysaty,iyo adegyadii ay dowladda u qabatay xujeeyda muddada ay ku jireen gudashada waajibaadka xadka. Wasiirka ayaa sheegay in ay dhinteen Afar xaaji oo ay laba dumar ay tahay,sidoo kale waxa u sheegay […]
Madaxweyne Cali Guudlaawe Hirshabeelle oo booqday talafashinka Hirshabelle.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta booqday Xarunta Telefishinka Dowladda Hirshabeelle. Madaxweynaha oo kormeeray shaqooyinka muhiimka ah ee uu Telefishinka Dowladda u hayo Bulshada Soomaaliyeed ayaa mid mid u booqday qeybaha kala duwan ee Telefeshinka isagoo xusay in la xoojiyo baahinta arrimaha wacyigelinta bulshada, nabada iyo ka hortagga fikirka xagjirka. Madaxweynaha, ayaa […]
Guddoomiye Madaale “Qubuuraha Macalin Nuur waa soo jireen aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan..”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) si uu ugu jawaabo cabasho ka timid qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda. Duqa Caasimadda oo ay wehliyeen Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Afhayeenka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa waxa […]
Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya oo ka wada hadlay Amniga degaannada laga saaray Al-Shabaab.
Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya kulan gaar ah ku yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka ATMIS iyo Taliyaha Booliska ATMIS. Kulanka labada dhinac ayaa waxaa […]
Wararkii ugu dambeeyay duqen Israa’iil ka gaysatay Xerada Jeniin ee Falastiin iyo sawiradii la helay.
Israa’iil ayaa howlgal militari oo aad u ballaaran ka billowday Daanta Galbeed ee la haysto. Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan 3 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen kuwa kalana ay si xun u dhaawacmeen, kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ay fulisay diyaarad dagaal oo Israa’iil leedahay. Waxaa la arkayay […]
Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billaabanayo G/Galgaduud
Dar dargelinta howlgalka wejiga labaad ee ka dhanka ah khawaarijta oo ka billaabanayo degaanno katirsan Galgaduud. Waraka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa ku soo waramaya in halkaa uu ka soconayo abaabulka Howlgallo ka dhan ah khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab,iyadoo Shalay uu halkaa gaaray taliyahay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow,oo […]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ballanqaaday in la dhamaystiri doono dastuurka dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in si deg deg ah loo dhamaystiri doono Dastuurka dalka,Madaxweynaha ayaa ballanqaadkan sameeyey xili uu kumanaan Shacabka Soomaaliyeed ah khudbad dhinacyo badan taabanaysa ugu jeedinayey Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho maalinimadii 1-Da Luuliyo. Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Wasaaraddaha iyo Haya”addaha kala duwan ee […]
Madax fara badan oo Muslimiin aheyn oo difaacay diinta Islaamka iyo Kitaabka Qur’aanka.
Justin Trudeau Rai’sul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau waxaa uu ka mid yahay madaxda reer galbeedka ee sida cad uga soo horjeedsaday Islaam naceybka. Mr Trudeau ayaa sanadkii 2020 sheegay in Islaam nacaybka uu yahay wax aan la aqbali karin , wuxuuna wacad ku maray inuu dalkiisa ka dhigi doono mid ay ku ammaan helaan […]
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Qabuuro meydadkii lagala baxayay
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay arrin saacadihii la soo dhaafay aad looga hadal hayay baraha bulshada oo la xiriirta dhulka Qabuuraha Macallin Nuur oo dadka qaar sida ay sheegeen lagu yiri kala baxa meydadkii horey loogu aasay. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo booqday halka ay ku yaallaan xabaalahaan ayaa […]