June 17, 2023
Maxay muhiim ugu tahay magaalada Galcad Al-Shabaab iyo ciidamada dawladdu ?
Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa hawlgallo ka wada deegaanada ku hareeraysan magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud halkaas oo iska hor imaadyo ay ku dhexmareen iyaga iyo ururka al-Shabaab. Weerar ay magaalada ku soo qaadeen Shabaab ayaa waxaa horay ugu dhintay taliye kuxigeenkii ciidamada Danab gaashaanle Axmed Tuurre. Maxay muhiim u tahay magaalada Galcad? Galcad waxay ku […]
Dowladda Maali oo dalbatay in ciidamada Qaramada Midoobay laga saaro wadankeeda.
Wasiirka arimaha dibadda ee Maali ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay inay xooggageeda nabad ilaalinta ay si degdeg ah ugala baxdo wadankiisa, iyadoo wax dibu dhaca aanu ku imaan. Abdoulaye Diop ayaa ku eedeeyay xooggaga nabad ilaalinta ee Minusma inay qayb ka noqdeen dhibaatada ka taagan wadankiisa, isagoo hadal ka jeedinayay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. […]
Deg Deg: Duqeyn xaga cirka ah oo lagu qaaday shir ay lahaayeen hogaamiyayaal ka tirsan Alshabaab
Sida ay baahisay warbaahinta dawladda Soomaaliya duqeyn xagga cirka ah ayaa lagu qaaday goob ay ku shirsanaayeen hogaamiyayaal ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku taala meel qiyaastii 14 km u jirta degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose. Duqeynta oo dhacday abaare lixdii maqribnimo ayay warbaahintu sheegtay inay fuliyeen ciidanka qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah. Inkastoo […]
Gudoomiye Kuxigeenkii Wanlaweyn oo inta gaari lagala dagay la dilay.
Warrarka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay waqti dambe inta gaari lagala dagay la dilay gudoomiye kuxigeenkii arimaha bulshada ee degmada Wanlaweyn Haashim Maxamed Xasan. Rag hubeysan ayaa la sheegay inay wadada u galeen gaari uu watay gudoomiyaha oo marayay Buulo Xaashi oo qiyaastii 25 km bari uga beegan degmada Wanlaweyn, deetana […]
Dardaaran Deegaan!!! (Rag dhintay in aad Xasuusato, kuwa nool ayey Ceebtood tahay) .
Subaxaan waxaan ku soo wareegay Degmooyinka Ceel dheer, Galacad iyo Xeebaha Degmada Xaradheere Dadku waxa ay hadal hayaan oo kaliya Dagaalada Deegaanka ka socdo iyo nolol maalmeedkooda. Daqiiqado kadib Safarkeygii Maskaxda Waxaan ku soo noqday Xamar, Dadkii Deegaankaasi ka yimid waxa ay ku mashquulsan yihiin, Ganacsi iyo Doodaha siyaasadda ee aan dhaafsaneeyn Suuq bacaad & […]