1 min read

Deg Deg: Duqeyn xaga cirka ah oo lagu qaaday shir ay lahaayeen hogaamiyayaal ka tirsan Alshabaab

Sida ay baahisay warbaahinta dawladda Soomaaliya duqeyn xagga cirka ah ayaa lagu qaaday goob ay ku shirsanaayeen hogaamiyayaal ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku taala meel qiyaastii 14 km u jirta degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.

Duqeynta oo dhacday abaare lixdii maqribnimo ayay warbaahintu sheegtay inay fuliyeen ciidanka qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah.

Inkastoo aan la sheegin saraakiisha Alshabaab ee la beegsaday, haddana warbaahintu dawladdu waxay sheegtay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray xubnaha duqeynta lala beegsaday.

Ma jiro war madaxbannaan oo ka hadlaya duqeynta la sheegay in xalay fiidkii ay ka dhacday duleedka Jamaame oo ah meel ay aad ugu xoogan tahay kooxda Alshabaab. Sidoo kale ma jiro war ka soo baxay kooxda oo lagu beeninayo ama lagu xaqiijinayo duqeynta dhacday.

Dhawaan ayay ahayd markii muuqaal uu soo duubay garabka warbaahinta Alshabaab lagu soo badhigay shir ay ka qayb galeen hogaamiyayaasha sare ee ururka oo looga hadlayay dagaalka ay kula jiraan dawladda iyo ciidamada shisheeye ee taageera, waloow aan la sheegin halka uu shirku ka dhacay.

Kooxda ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay kordhisay weerarrada ka dhanka ah ciidamada hawgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee loo yaqaano (ATMIS) iyo kuwa dawladda, waxayna bishii la soo dhaafay dhamaadkeedii ay tobannaan ka tirsan ciidamada Yugaandha ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.