3 mins read

Maxay muhiim ugu tahay magaalada Galcad  Al-Shabaab iyo ciidamada dawladdu ?

Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa hawlgallo ka wada deegaanada ku hareeraysan magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud halkaas oo iska hor imaadyo ay ku dhexmareen iyaga iyo ururka al-Shabaab.

Weerar ay magaalada ku soo qaadeen Shabaab ayaa waxaa horay ugu dhintay taliye kuxigeenkii ciidamada Danab gaashaanle Axmed Tuurre.

Maxay muhiim u tahay magaalada Galcad?

Galcad waxay ku taallaa gobolka Galgaduud ee Soomaaliya, waxaana hoos yimaada magaalooyin yaryar oo ay kamid yihiin; Masagawaa, Galhareeri, Gallibaax, Budbud, Cali-Axmed, Ceelciid. iyo Cali Afrax.

Dhulka ay Galcad ku taallo ayaa ah mid hawd ah, kana duwan dhulalka ay ku yaalaan magaalooyinka kale ee gobolka oo intooda badan ah kuwa banaan oo geedo gaagaaban, ayna adagtahay in lagu dhuumaaleysto. Tan ayaa ka dhigtay magaaladan mid istaraatiiji u ah ciidanka iyo dagaalka intaba.

Arrin kale oo muhiim ka dhigeysa magaaladan ayaa ah in ay marto wadada labaad ee ugu muhiim, marka laga soo tago tan laamiga, taas oo isku xirta magaalooyin badan oo Soomaaliya ah, oo ay kamid tahay degmada qadiimiga ah ee Xarardheere.

Bishii Janaayo 16 keedii ee sanadkaan ayaa ciidamada dawladda Soomaaliya la wareegeen gacan ku haynta magaalooyin ay kamid tahay Galcad. Masuul ka tirsan Galmudug wuxuu noo sheegay in muddo sagaal bilood ah ay ciidamadu qorsheynayeen in ay la wareegaan magaalada, maadaama ay ku yaalaan dhawr guri oo dabaqyo oo ay saaran karaan qalabkooda ciidan.

Magaalada waxaa ku yaalla saldhig wayn oo ay ku sugan yihiin dhawr kun oo askri oo ka kala socda labada guuto ee kumaandooska Soomaaliya, Danab iyo Gorgor iyo ciidamo ka tirsan kuwa lagu soo tababaray waddanka Eritrea.

Ka hor inta uusan bilaaban gulufka dagaal ee lagu qaaday Shabaab, Galcad waxay xarun ganacsi u ahayd magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri, iyo Ceeldheer. Raashinka iyo xoolaha ayaa ugu badnaa maciishada ay magaalada usoo doonan jireen dadku.

Taliyihii Danab ee ku dhintay Galcad

20 kii bishii Janaayo ee sanadkaan ayaa weerar ay al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigga ciimada Soomaaliya ee Galcad waxay ku dileen 25 askari oo uu ku jiray gaashaanle Xasan Tuure, oo ahaa taliye kuxigeenkii ciidamada kumaandoosa ah ee Danab.

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya iyo dawladda federaalka ayaa ka tacsiyeey geerida Xasan Tuure, iyaga oo sheegay ‘in uu noloshiisa u huray Soomaaliya iyo dadkeeda’.

Safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Larry André, ayaa aabaha dhalay taliye Xasan ku qaabilay xafiiska safaaradda ee Muqdisho.

Xasan Tuure ayaa kamid ahaa saraakiisha sarsare ee aqoonta ciidan ee durugsan leh, ee ay tababartay dawladda Maraykanka.

Geeridiisa kadib waxaa loogu magacdaray xerada ugu wayn ee ciidamada Danab ku leeyihiin Soomaaliya ee Balidoogle.

Weerarkii lagu dilay ayaa ku boilowday qarax xoogaan oo dadka deegaanku ay sheegeen in ay maqleen, kadibna waxaa xigay in ciidamada Shabaab gudaha u soo galeen xerada.

Waqtiga uu weerarkaas dhacay ayaa ahayd maalmo uun ka hor markii dalwadda Soomalaiya ay la wareegtay magaalooyinka Xarardheer iyo Galcad.

Al-Shabaab waxay haysteen inta badan magaalooyinka ku hareereysan Galcad tan ugu dhaw ay u jirto 100 km.

Xigasho: BBCSomali