1 min read

Gudoomiye Kuxigeenkii Wanlaweyn oo inta gaari lagala dagay la dilay.

Warrarka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay waqti dambe inta gaari lagala dagay la dilay gudoomiye kuxigeenkii arimaha bulshada ee degmada Wanlaweyn Haashim Maxamed Xasan.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay wadada u galeen gaari uu watay gudoomiyaha oo marayay Buulo Xaashi oo qiyaastii 25 km bari uga beegan degmada Wanlaweyn, deetana ay rasaas ku fureen sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan magaalada.

Illaa hadda lama sheegin kooxda dishay gudoomiye kuxigeenka iyo sababta ay u dileen toona, laakiin waxa Wanlaweyn iyo tuulooyinka ku xeeran ka taagnaa in dhawaalaba colaad sokeeye oo u dhaxeysa beelo ood wadaag ah.