1 min read

Dowladda Maali oo dalbatay in ciidamada Qaramada Midoobay laga saaro wadankeeda.

Wasiirka arimaha dibadda ee Maali ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay inay xooggageeda nabad ilaalinta ay si degdeg ah ugala baxdo wadankiisa, iyadoo wax dibu dhaca aanu ku imaan.

Abdoulaye Diop ayaa ku eedeeyay xooggaga nabad ilaalinta ee Minusma inay qayb ka noqdeen dhibaatada ka taagan wadankiisa, isagoo hadal ka jeedinayay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Maali oo ka kooban 13,000 oo askari, isla markaana toban sano jirsaday ayaa ku guul dareystay inuu joojiyo rabshadaha xagjirnimada ku saleysan.

Kooxda calooshood u shaqaystayaasha Ruushka ee Wagner ayaa hadda taageeraya milatariga Maali xukuma.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa ku eedeeyay kooxda Wagner inay xad gudubyo ka dhan xuquuqda aadamaha ay ka geysteen Ukreyn iyo meelo kamid ah qaarada Afrika, waxana bishii la soo dhaafay Maraykanku ku dhaawaqay cunaqabatayn uu ku soo rogay Ivan Maslov oo lagu sheegay sarkaalka ugu sareeya kooxda Wagner ee joogta Maali.