May 2023
Boqor Charles-ka 3-aad ee Ingiriiska oo maanta la caleema saarayo.
Maanta ayaa waxaa la caleema saarayaa boqorka Ingiriiska ee Boqor Charles-ka Saddexaad. Waxaa udub dhexaad u noqon doona xafladdan weyn boqor Charles-ka saddexaad, oo indhaha dunidu ay isagu ku foogan yihiin isaga. Muxuu ka fikirayaa maanta Charles-ka saddexaad maalin uu sugayay inta uu noolyahay oo dhan? Markii ugu dambeysay ee loo caleema saaray taajka boqornimada, […]
Hey’adda caafimaadka adduunka oo war kasoo saartay cudurka Covid19.
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ayaa ku dhawaaqay in cudurka Covid-19, uusan haatan iyo wixii ka danbeeya aanu dunida ku keeni karin “xaalad caafimaad oo halis ah oo caalami ah”. Bayaanka ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka soo gaba gabeynta cudurkan dunida masiibada ku noqday. Wuxuu sidoo kale kusoo beegmayaa bayaanka seddex sano […]
Kooxaha ku dagaalamaya Sudan oo uu wada hadla uga furmayo Sucuudiga.
Dowladda Sucuudiga, ayaa marti gelineysa wada hadalkii ugu horreeyay ee fool ka fool ah Sabtida maanta ah, oo u dhexeeya ciidammada ku dagaallamaya Suudaan, ka dib markii dhowr xabad joojin ay burburtay. War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga, ayaa lagu soo dhaweeyay billowga “wada hadallada horudhaca […]
Weligaa kabo isku cag ah ma iibsatay? tuugadan ayey sidaas ku dhacday..
waxaa dhici karta in aad xilli mugdi ah xidhato kabo isku cag ah, ama aad dukaanka si aan ku tala gal ahayn uga iibsato kabo midigta ama bidixda oo kaliya loogu tala galay, balse kawaran ninka rar idil oo kaba ah ay noocaas ka wada noqdeen. Dembiilayaal ku sugan dalka Peru ayaa u muuqda in […]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga digay Deni iyo maamulkiisa inay isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka dayriyay xaaladda siyaasadeed ee Puntland, xilli ay soo dhawdahay doorashada madaxtinnimo ee maamulkaas. Xiriirka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa xumaa tan iyo markii la soo dhisay xukuumadda Federaalka ee haatan jirta. “Puntland waa deegaan Soomaaliyeed, raali kama ihin dadkaas in uu […]
Fatahaado Wabi oo 50 qof ku dilay degaanka Soomaalida.
Fatahaad ka dhalatay roobka gu’ga oo xiligan ka da’aya deegaanka Soomaalida oo webiyada buux-dhaafiyeen ayaa khasaaro naf iyo maalba isugu jirta waxa ay u geysteen dadka ku dhaqan dhulka webiyada ku dhow. Fatahaadda waxaa ku geeriyooday dad ay tiradoodu 50 ku dhowdahay, waxaana ku baro-kacay in kabadan 40 kun oo qoys, halka ay sidoo kale […]
Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in 70% hoos loo dhigay weerrardii Al-Shabaab.
Golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa khamiistii shalay soo bandhigay in boqolkiiba toddobaatan (70%) hoos loo dhigay weerarradii Al shabaab ay ka geysan jireen gudaha Sooomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Daaud Aweys Jaamac ayaa ka war bixiyay go’aannada ka soo baxay Shirka Golaha wasiiradda. waxaanunna wax ka weydiinnay waxa suuragaliyey in ay yaraadaan […]
Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabbab uu ka socdo Duleedka B/weyne.
Warrarka laga helayo bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saakay dagaal culus uu ka bilowday tuulooyin ku yaala duleedka Koonfureed ee magaala madaxda gobolka Hiiraan. Dagaalka oo dhexmaraya ciidamada Dawladda oo ay taageerayaan miliishiyooyinka deegaanka iyo dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa bilowday, kaddib markii xoogagga Al-Shabaab ay soo galeen dhul u dhaxeeya tuulooyinka Baar-dheere iyo […]
Al-Shabaab oo toogatay shan nin oo uu ku jiro nin ay ku eedeysay inuu maleegay dilkii Dulyadeyn.
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galinkii dambe meel fagaare ah oo ku taala degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ku toogatay, shan nin oo ay ku eedeysay inay basaasiin u ahaayeen sirdoonnada Dawladda Federaalka iyo kuwa Maraykanka. Shanta nin ee la toogtay oo da’doodu u kala dhaxaysay 25 illaa 41 ayaa midkood, waxa ay Xarakadu sheegtay […]
Nasashada Jimcaha Q-355=Hayeey, Faragalinta Shisheeye, dhinacyo badan ayey ka imaan kartaa ee hala wada taxadaro..=
1. Oday75 sano jir ah ayaa xaaskiisa oo ay is qabeen 50 sano ay aad u dhibtay, waxa uu go’aansaday in uu isaga tago oo uu Xabsi Noloshiisa ku dhameysto. Waxa uu tagay Bank, khasnajigii ayuu ku yiri: Bistoolad ayaa jeebka iigu jirto, naftaada ha haligin keen Lacagta aad heyso, waxaa loo soo bixiyay $30.000. […]
