1 min read

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabbab uu ka socdo Duleedka B/weyne.

Warrarka laga helayo bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saakay dagaal culus uu ka bilowday tuulooyin ku yaala duleedka Koonfureed ee magaala madaxda gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo dhexmaraya ciidamada Dawladda oo ay taageerayaan miliishiyooyinka deegaanka iyo dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa bilowday, kaddib markii xoogagga Al-Shabaab ay soo galeen dhul u dhaxeeya tuulooyinka Baar-dheere iyo Beerxaano ee koonfurta Beledweyne.

Ciidamo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ku baxay aagagga ay soo galeen Al-Shabaab ayaa keentay in uu qarxo dagaal culus oo labbada dhinac dhexmaraya illaa hadda.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo weriyay. Illo wareedyo madaxbannaan ayaa saxaafadda u sheegay in labo ka tirsan ciidamada is garabsanaya ee dawladda iyo deegaanka ay dagaalka ku dhinteen, todobo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Deegaanka oo isna la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhawr iyo toban ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalka.