4 mins read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga digay  Deni iyo maamulkiisa inay isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka dayriyay xaaladda siyaasadeed ee Puntland, xilli ay soo dhawdahay doorashada madaxtinnimo ee maamulkaas.
Xiriirka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa xumaa tan iyo markii la soo dhisay xukuumadda Federaalka ee haatan jirta.

“Puntland waa deegaan Soomaaliyeed, raali kama ihin dadkaas in uu nidaamka ka dumo iyo in ay is dilaan, laakiin ifafaalaha muuqda mid wanaagsan ma aha. Madaxda Puntland waxaan leenahay, dadka iyo rabitaankooda tixgeliya,“ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hadlayay masaajidka madaxtooyada.

Waxa uu intaa raaciyay in dowlad dhiska ka socday Puntland 24-kii sano ee la soo dhaafay uu hadda khatar wajahayo, maadaama maamulka Deni iyo mucaaradkiisa ay ku heshiin la‘ yihiin hannaanka doorashada.

Madaxweynaha ayaa u muuqday mid saluugsan nidaamka doorashada qof iyo codka ah ee uu hirgeliyay maamulka Deni, isagoo ku tilmaamay mid aan loo dhameyn.

“Doorashada qofka iyo codka ah horay ayaa Puntland loogu tibaabiyay oo dadka haddii aanay raali ka ahayn, lama marin karo,“ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Khilaaf hor leh

Golaha wasiiradda Puntland ayaa kulankoodii Khamiista ku anxisiyay in la badiyo tirada ururada u gudbaya xisbiyada siyaasadda, oo laga dhigo shan xisbi, halka uu dastuurka maamulkaas dhigayo saddex xisbi.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ay ku leedahay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in golaha wasiiradda ay “tixgeliyeen dalab uga yimid ururada siyaasadda oo ah in tirada xisbiyada laga dhigo shan”.

Golaha wakiillada Puntland ayaa la filayaa in uu ka doodo wax ka bedalka dastuurka si loo kordhiyo tirada xisbiyada.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo ku midoobay madasha siyaasiyiinta Puntland ayaa durbadiiba ka soo horjeestay go’aanka golaha wasiirkadda.

Maxaa ku qoran dastuurka Puntland?

Qodobka 46-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa saddexaad ayaa dhigaya “Saddexda urur siyaasadeed ee ugu codadka badan tartanka kowaad ee Golayaasha Deegaanka ayaa noqonaya saddexda xisbi siyaasadeed ee rasmiga ah”.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad, oo kamid ah madasha siyaasiyiinta Puntland

“Wax ka bedalka dastuurka waa in ay keento baahi dhif ah. Haddii Madaxweyne kasta si uu xukunkiisa u sii dheeraysto uu dastuurka furi karo, tasai waxa ay ka dhigan tahay in dastuur iyo dowlad aanay dalka ka jirin,”

Danjire Cawad ayaa ku dooday in haddii ay jirto baahi keenaysa in dastuurka wax laga bedalo, uu tallaabadaas qaadi lahaa Madaxweyne Deni afar sano iyo barkii uu xilka hayay.

Haseyeeshee wasiiru dawlaha madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur, oo ka qeybgalay doodda Jimcaha ee BBC Somali ayaa sheegay in qodobka ay ansixiyeen golaha wasiiradda markii hore ay soo jeediyeen ururada siyaasadda.

“Todobo kamid ah ururada siyaasadda ee Puntland ayaa bishii November 2022 ku shiray Garowe, waxaana ay soo saareen 13 qodob oo ay kamid yihiin in meesha laga saaro nidaamka ku xadidaya saddex tirada xisbiyada siyaasadda,” ayuu ku dooday wasiiru dawlaha.

Waxaa doodaas mid jaban ku tilmaamay Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ah kusimaha gudoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed, kaasoo sheegay in Madaxweyne Deni uu fursad ka dhex arkay qodobkaas.

“Madaxweyne Deni markii hore wuu diiday qodobkaas, balse markii uu arkay in ay jiraan saddex urur oo awood badan, baqdin uu ka qabo ayuu u go’aansaday inuu tirada ku daro laba urur oo ku quusiyo kuwa mucaaradka ku ah,” ayuu ku dooday Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Muddo kororsi

Mucaaradka doonaya in ay xilka kala wareegaan Madaxweyne Deni ayaa marar badan ku eedeeyay inuu rabo muddo korarsi. Siciid Deni waxaa muddo xileed shan sano ah loo doortay 8-dii January 2019.

“Arrinta muddo korarsiga waa mala-awaal. Doorasho ayaan ka shaqeynaynaa. Dowladdu waxa ay qabanayso xan kuma qabato,” ayuu yiri wasiir Cabdifitaax oo intaa ku daray, “Afka dowladda lagama hayo muddo korarsi baan rabnaa. Xaq looguma laha in sidaa loo yiraahdo,”

Haseyeeshee waxaa dood taa ka duwan soo bandhigay kusimaha gudoomiyaha ururka Horseed, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

“Madaxweyne Deni waxa uu rabaa muddo kororsi, haddii uusan rabin waa in uu shir jaraa’id qabto oo uu si cad ugu sheego shacabka Puntland in uusan muddo korarsi rabin,” ayuu ku dooday.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland ayaa ku soo beegmaysa xilli uu meel xun marayo xiriirka u dhexeeya Garowe iyo Muqdisho.

Sida ay ogaatay BBC Somali, hogaanka ugu sarreeya dowladda Federaalka ayaa doonaya in Puntland ay ka dhacdo doorasho “wadar oggol ah” oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada.

Wasiiru dawlaha madaxtooyada Puntland ayaa ku dooday in ay yihiin xukuumad la doortay oo ay xaq u leeyihiin in ay jiheeyaan doorasho qof iyo cod ah.

Xigasho:BBCSomali