1 min read

Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in 70% hoos loo dhigay weerrardii Al-Shabaab.

Golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa khamiistii shalay soo bandhigay in boqolkiiba toddobaatan (70%) hoos loo dhigay weerarradii Al shabaab ay ka geysan jireen gudaha Sooomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Daaud Aweys Jaamac ayaa ka war bixiyay go’aannada ka soo baxay Shirka Golaha wasiiradda. waxaanunna wax ka weydiinnay waxa suuragaliyey in ay yaraadaan weerrarada Al Shabaab sida ay soo saareen.

Waxa uu sheegay wasiirku in dawladdu ay qorshe u degtay kaas oo suurta geliyay in ay yaraadaan weerrarada Al Shabaab waxa uuna sheegay in ay ciidamadu waajibaadkooda guteen, “ciidamadu waxa ay awoodeen inay xakameeyaan weerraradii khawaarijta, dadkuna si wanaagsan magaalooyinka shaqadooda uga gutaan,” ayuu yiri wasiirka Dauud Aweys.

Wasiirka oo ciidamada qalabka sida aad u amaanay ayaa sheegay in ay ka jawaabayeen amarkii madaxweynaha iyo rabitaanka shacabka saas darteedna ay “guulo ka soo hoyiyeen” hawl galladii loo diray badankooda.