1 min read

Fatahaado Wabi oo 50 qof ku dilay degaanka Soomaalida.

Fatahaad ka dhalatay roobka gu’ga oo xiligan ka da’aya deegaanka Soomaalida oo webiyada buux-dhaafiyeen ayaa khasaaro naf iyo maalba isugu jirta waxa ay u geysteen dadka ku dhaqan dhulka webiyada ku dhow.

Fatahaadda waxaa ku geeriyooday dad ay tiradoodu 50 ku dhowdahay, waxaana ku baro-kacay in kabadan 40 kun oo qoys, halka ay sidoo kale ku nafwaayeen xoolo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 19 kun oo neef.

Daadadkan ayaa sidoo kale baabi’iyay dalaggii beeraha eek u yaallay dhulka dowlad degaanka Soomaalida, waxaana jira barakac xoogan oo ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha.