1 min read

Boqor Charles-ka 3-aad ee Ingiriiska oo maanta la caleema saarayo.

Maanta ayaa waxaa la caleema saarayaa boqorka Ingiriiska ee Boqor Charles-ka Saddexaad.

Waxaa udub dhexaad u noqon doona xafladdan weyn boqor Charles-ka saddexaad, oo indhaha dunidu ay isagu ku foogan yihiin isaga.

Muxuu ka fikirayaa maanta Charles-ka saddexaad maalin uu sugayay inta uu noolyahay oo dhan?

Markii ugu dambeysay ee loo caleema saaray taajka boqornimada, ayaa ahayd xili hore, isagoo Charles uu ahaa ilmo yar sanadkii 1953-dii, isagoo daawanaya hooyadiis, boqoradda Elizabeth-da labaad, oo la caleemo saarayo.

In ka badan 5,000 oo ka tirsan ciidamada qalabka sida, ayaa tareen ku yimid magaalada London, ka hor inta aysan gaarin buundada Westminster.

Khadka tareenka ee Network Rail, ayaa maamulkoodu wuxuu soo gudbiyey inay tahay dhaq dhaqaaqii ugu weynaa ee ciidanka.

Tani ayaa la sheegay inay tahay dhaq dhaqaaqii ugu weynaa ciidamada militariga ee ku kala safraya tareennada Britain, tan iyo aaskii ra’iisal wasaarihii hore ee Britain ee Winston Churchill ee 1965-kii.

Sawirrada aan saaka aragnay, ayaa waxay yihiin muuqaal aad u qurux badan. Boqollaal ilaalo ah oo lebisan, ayaa socod ku maraya waddooyinka, si ay u hubiyaan dhaq dhaqaaqa basaska cas ee London.