3 mins read

Nasashada Jimcaha Q-355=Hayeey, Faragalinta Shisheeye, dhinacyo badan ayey ka imaan kartaa ee hala wada taxadaro..=

1. Oday75 sano jir ah ayaa xaaskiisa oo ay is qabeen 50 sano ay aad u dhibtay, waxa uu go’aansaday in uu isaga tago oo uu Xabsi Noloshiisa ku dhameysto. Waxa uu tagay Bank, khasnajigii ayuu ku yiri: Bistoolad ayaa jeebka iigu jirto, naftaada ha haligin keen Lacagta aad heyso, waxaa loo soo bixiyay $30.000. Lacagtii ayuu qaatay. Waxa uuna iskala fadhiistay Dadkii Bangiga ku dhax jiray, ilaa Police-kii ka yimaad. Police-kii ayaa yimid, Maxkamadii ayaa la geeyay, Dambigiina waa qirtay.
Qaaligii ayaa ogaaday in uu Wadna Xanuun qabo Duqu. Waxa uu u tixgaliyay Qodabada Ciqaabta fududeeyo. Waxa uuna ku xakumay in uu Muddada Xabsiga uu Gurigiisa ku qaato, oo lagu kormeero, Xaaskiisuna ay masuul ka noqoto Xanaanadiisa. ( F.S: 1aad)

( Somalidaa ku maahmaahdo Lo’ iyo Naagaba Heetigood ma turaan. Raggu hadduu Duqoobo adkeeysigiisu waa yar yahay ee Haweenoow ha loo naxariisto)

2.Dadku waxa ay soo dhaweysteen Dameerka oo Fool xumo ay ku tilmaameen, waxa ayna Duurka uga soo tageen Dameer Farwga oo Qurux ay ku tilmaameen. Dameerku waa xayaawaan la rabaayey karo oo Dadka la noolaa karo, laakin Dameer Farawgu waa mid aan la rabaayeey karin, Naftaadana Halis gali karo, markuu doonana iska tagi karo. ( F.S: 2aad)

( Dhalin yarooy, yaad la noolaa kartaa ayaa muhim ah, ee yaa qurxoon kaliya haka fikirin, weliba Quruxdu Beryahaan Dukaanata iyo isbitaalada Qaliin qurxiska ayeey Taal)

3. Hawenay ayaa Seygeedii ku tiri: Xaaji Ninka deriskeena ah ayaa kaa fiican. Waxa uu ku yiri: Siduu iiga fiican yahay?. Waxa ay ku tiri: Masjid ayuu dhisay kadibna waxa uu ku magacaabay Xaaskiisii oo dhimatay.

Waxa uu ku yiri: xabiibatii, Lacagtii Masjidka aan ku dhisi lahaa waa diyaar, laakin adigaaba dhimana la’.

( Ragoo yaan Dumarka la sirin, iyaga oo Noolba Masjid waa lagu magacaabi karaa, wax badan oo aad nolosha ugu qaba karto, Geerideeda hala sugin)

4. Wiil yar oo Xer ah ayaa u yimid Hooyadii iyo Xaliimo Carab dheer oo Deriska aheyd oo sheekeysanayo, waxa uu ku yiri: Hooyo waxaad sheegtaa, Hilib aan la Gadin oo aan la iibiin, Dadkuna inta badan ay Cunaan, welibana Xaaran ah?. Waxa ay ku tiri: Malaha waa Hilibka Malaayga, kaa ayaan necebahay.
Wiil yar ayaa ku yiri: Hooyo Hadda ayaad cunteen Hilibkaa Adiga iyo Xaliimo. Hilibkaasi waa “Xanta, jaasusnimada beenta la isagu gudbiyo iyo Malada qaar, sida Qur’aanka lagu sheegay. (F.M:3aad)

( Xantu waa sida Adoo Cunay Hilibkii walaakaa oo weliba dhintay, Somalyeey Xanta iyo Malaxumeyntu waa nagu badateen Maalmahaan)

5. Siyaasi Qurba joog ahaa ayaa Oday Cabdulle ku yiri: waxaan Dalka ugu soo laabtay in aan Dalka ka ilaaliyo Fargalinta Shisheeye, Annaga ayaa aad u naqaan khiyaanada iyo Fargalinta shisheeyaha. Oday Cabdulle ayaa ku yiri: Adinkaa deris la ehe Guryihiina ka ilaa shada Fargalinta shisheeye siiba Jameeykaanka iyo Cadaanka Homelees-ka ah. (F.S: 4aad)

( Hayeey, Faragalinta Shisheeye, dhinacyo badan ayey ka imaan kartaa ee hala wada taxadaro, Allahna hanaga najeeyo)

6. Oday Cabdulle ayaa yiri: Qurba joogeey waxaad dhihi jirteen Laba Taxi ayaa ii sheqeyso,oo aad ula jeedeen, Laba naag ayaa i biisho, Shaqa kalena uma Baahni. Cudurkii ayaan nagu daarateen, waxaana soo baxay Rag Qorax joog ah oo leh: Waxaan rabaa Naag gancsato oo Qadadeyda iyo qaadkeeyga meel saarto, Shaqana uma baahni. (F.S: 5aad)

( Ragoow masuuliyadiinii inta aad dayacdeen, miyaad dhididkii Haweenka Dheef ka raadiseen)

Qore :Yahya Amir