May 31, 2023
Nibiri Basaas ah oo lagu arkay xeebaha dalka Sweden.
Nibiri lagu eedeeyay in uu Ruushka basaas u ahaan jiray ayaa lagu arkay xeebaha dalka Sweden, sida ay sheegtay hay’ad la socota nibiriga nooca loo yaqaan Beluga. Nibiriga oo gudaha looga yaqaan magaca Hvaldimir ayaa markii ugu horaysay lagu arkay xeebaha dalka Norway sannadkii 2019 isaga oo xiran suunka astaan Ruush ah. Isagoo sanado badan […]
Imaaraadka oo ka baxay isbaheysi uu hogaaminaayay Mareykanka.
Abu Dhabi:- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay laba bil kahor ka baxday isbaheysi Mareykanka uu hoggaamiyo oo ka shaqeeya ammaanka badda Bariga Dhexe kadib markii ay qiimeysay xiriirkeeda amni. Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda waa xoogag ka kooban 34 dal oo fadhiggoodu yahay saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Bahrain, kuwaasi oo ka shaqeeya […]
RW XAMSE “Cid maqan looma joojin doono dhameystirka Dastuurka dalka…”.
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ay Xukuumaddiisu waqti badan gelinayso dhameystirka Dastuurka dalka oo mudo dheer qabyo ah. Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la dhameystiro Dastuurka KMG ah ee dalka, isla markaana ciddii ka maqan ay timaado loona baahneyn in dadka la jahwareeriyo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa […]
Soomaaliya iyo Ruushka: Muxuu Ruushku ka caawinayaa ciidamada Soomaaliya?.
Waxaa socda dedaal lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka halkaas oo uu toddobaadkan kasoo noqday wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya. Abshir Cumar Haruuse ayaa kulan dhowr maalin qaatay kula yeeshay Moscow wasiirka mudada dheer xilka haya ee Ruushka Sergey Lavrov, oo isaga toddobaadkan socdaal uga bilowday gobolka Geeska Afrika. Waxa uu ahaa kulankii ugu heer […]
Dad Soomaaliyeed oo ku barakacay xero qaxooti oo mar hore la xiray.
Qoysas cusub oo gaaraya ilaa 50 ayaa si rasmi ah loo dajiyay xerada qaxootiga ee IFO 2 ee dalka Kenya, kuwaas oo badankood ka soo barakacay abaartii dhawaan ku dhufatay Soomaaliya. Qoysaskan ayaa muddo bilooyin ah ku noolaa meel ka baxsan xerada qaxootiga ee ifo 1, halkaas oo ay ku wajahayeen nolol adag. Qorshahan ayaa […]
Ergayga gaarka ah ee Ganacsiga iyo Maalgashiga madaxweynaha Soomaaliya oo saaka laga celiyay Garoonka Diyaaradaha ee Garowe.
Ergayga gaarka ah ee Ganacsiga iyo Maalgashiga madaxweynaha Soomaaliya khadar Abdirahman Maxamed Faroole ayaa sheegay in madaxweyneha mamaulka Puntland uu ka dambeyay amar saaka looga joojiyay safar uu kaga bixi lahaa Garoowekuna tagi lahaa magaalada Muqdisho. Waxaa uu sheegay in taliyaha booliska Puntland uu u sheegay in amarka lagu celiyay uu bixiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi […]
Ciidammo gadoodsan oo xirtay waddooyinka madaxtooyada Puntland.
Ciidammo la sheegay in ay ka gadoodsan yihiin mushahar la’aan ayaa saaka xirtay waddooyinka soo gala xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe halkaas oo ay diideen in ay maraan dhamaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan. Tan ayaa kusoo aadeysa iyada oo ay jireen warar sheegaya ciidammo kale oo shalay qabsaday dekadda magaalada Boosaaso kuwaas oo qudhoodu […]
Ururrada Bulshada Rayidka oo Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inaysan kuu degdegin ansixinta heshiiska GWQ.
Ka dib markii ay tooddobaadkan Golaha Wadatashiga Qaran soo saareen warmurtiyeed ku saabsan hannaanka doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonta, ayey iskasoo daba dhacayeen ka falcelinta ku aaddan qodobada ka hadlaya doorashada, waxaana ugu dambeeyay hadda ururka bulshada rayidka ah oo soo saaray “talooyin iyo aragtiyo xambaarsan dareenka shacabka”. Waxay bogaadiyeen in doorashooyinka dalka loo […]
Madaxweynaha Jubbaland oo Mareykanka kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kulan kula qaatay Muqdisho Safiir kuxigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arimaha amniga, Siyaasada iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalku uu […]
Uganda oo loogu baaqay inay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya kadib weerarkii Buulo-Mareer.
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiga Isbedelka Dimuqraadiyadeed ee dalka Uganda Harold Kaija ayaa sheegay mar uu Warbaahinta kula hadlay Xarunta Dhexe ee Xisbiga FDC ku leeyihiin Caasimadda dalkaasi ee Kampala ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay Ciidamadeeda kasoo saarto Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Uganda noqotay Qalab aad muhiim ugu ah Nabad-Ilaalinta […]