1 min read

Ergayga gaarka ah ee Ganacsiga iyo Maalgashiga madaxweynaha Soomaaliya oo saaka laga celiyay Garoonka Diyaaradaha ee Garowe.

Ergayga gaarka ah ee Ganacsiga iyo Maalgashiga madaxweynaha Soomaaliya khadar Abdirahman Maxamed Faroole ayaa sheegay in madaxweyneha mamaulka Puntland uu ka dambeyay amar saaka looga joojiyay safar uu kaga bixi lahaa Garoowekuna tagi lahaa magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in taliyaha booliska Puntland uu u sheegay in amarka lagu celiyay uu bixiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Khadar Cabdiraxmaan ayaa horey Puntland ugu eedeysay inuu qayb ka ahaa falal khal khal gelin amni ah oo ka dhacay Graoowe.

Haddaba Khadar oo aan qadka telefoonka kula xiriirnay ayaan waydiinnay marka hore bal waxa ka jira warka ku saabsan in saaka garoonka laga celiyay

Ergayga oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “sidii qof muwaadin ah oo dalkiisa jooga oo kale ayaan u tagay garoonka diyaaradaha, sideedaba anigu caado uma lihi in aan istaaf kaxaysto xilli kasta, markii diyaaraddu ay soo degtay ee aan isku diyaarineyno bixid ayaa waxa ii yimid labo wiil oo aan garanayo waxana ay ii sheegaan in aanan bixi karin amarkana uu ka yimid taliyaha booliska waan weydiiyay in wax dukumeenti ah ay hayaan iyagoo si wanaagsan iila hadlay ayey igu yiraahdeen maya mudane”

Khadar oo ka hadlay eedeyn horay loogu jeediyay oo ku saabsaneyd isku dhac labo ciidan oo dhowaan ka dhacay Garoowe darted in loo celiyay ayaa yiri “wey jirtaa eedeyntaasi mana eheyn mid sharciyeysan, marka hore anigu waxaan ahay shaqaale dowladda federaalka ah, waaran iima jarti karto Puntland.”

Dhanka kale Waxaannu isku deynay in aannu la xidhiidhno dhinaca dawladda iyo laamaha amniga ee Puntland, kuwaas oo ka gaabsaday ka falcelinta arrintan.