1 min read

Nibiri Basaas ah oo lagu arkay xeebaha dalka Sweden.

Nibiri lagu eedeeyay in uu Ruushka basaas u ahaan jiray ayaa lagu arkay xeebaha dalka Sweden, sida ay sheegtay hay’ad la socota nibiriga nooca loo yaqaan Beluga.

Nibiriga oo gudaha looga yaqaan magaca Hvaldimir ayaa markii ugu horaysay lagu arkay xeebaha dalka Norway sannadkii 2019 isaga oo xiran suunka astaan Ruush ah.

Isagoo sanado badan ku qaatay safar uu si tartiib tartiib ah koonfur uga soo kicitimay waqooyiga fog ee Norway, nibiriga ayaa bilihii lasoo dhaafay dardar galiyay dhaq dhaqaaqiisa biyaha Norway.

Hay’adda OneWhale ayaa shegtay in sababta ka danbeysa dhaqdhaqaaqiisa degdega ah aanay caddayn.

Nibiriga tame beluga ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaday doomaha Norway ee u dhow jasiirada Ingoya afar sano ka hor. Jasiiraddan ayaa 258 mayl u jirta Murmansk, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Ruushka ee Northern Fleet loo yaqaan. Waxa la ogaaday in uu xidhan yahay suun ay ku rakiban tahay kamarada GoPro.

Arrintan ayaa horseedday baaritaan ay sameysay hay’adda sirdoonka gudaha ee Norway, taasoo markii dambe BBC-da u sheegtay in nibiriga ay u badan tahay in ay tababareen ciidamada Ruushka.