4 mins read

Soomaaliya iyo Ruushka: Muxuu Ruushku ka caawinayaa ciidamada Soomaaliya?.

Waxaa socda dedaal lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka halkaas oo uu toddobaadkan kasoo noqday wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya.

Abshir Cumar Haruuse ayaa kulan dhowr maalin qaatay kula yeeshay Moscow wasiirka mudada dheer xilka haya ee Ruushka Sergey Lavrov, oo isaga toddobaadkan socdaal uga bilowday gobolka Geeska Afrika. Waxa uu ahaa kulankii ugu heer sarreeyay ee dhexmara labada dal wixii ka dambeeyay markii uu bilowday colaada Ruushka iyo Ukraine oo sii kala fogeysay xiriirka Mareykanka iyo awooddii hore ee xilligii dagaalka qaboobaa.

Shir jaraa’id oo ay labada dhinac wadajir ugu qabteen Moscow ayay ku sheegeen inay uga wada hadleen hagaajinta iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, oo aan horumar weyn sameyn wixii ka dambeeyay markii kacaanku xiriirka u jaray Midowga Sofiyet shan iyo afartan sano kahor. Wixii markaas ka horreeyay Ruushka ayaa xiriir dhor kala dhexeeyay Soomaaliya, iyada oo loo arkayay in uu yahay dalka ugu saameynta weyn ee qeyb libaax leh ku yeeshay dhismaha ciidanka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ruushka ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero qalab militari oo ka caawin kara dagaalka lagu la jiro kooxda Al-Shabaab. Lavrov ayaa shaaciyay qorshehan kadib markii uu wada hadal kula yeeshay Moscow wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya. Ma uusan faahfaahin nooca iyo tirada qalabka ciidan ee ay ula diyaarka yihiin Soomaaliya. Ma cadda sida qalabkan ciidan u saameyn karo cunaqabeynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Qoraalka sawirka,Wasiiradda Arrimaha Dibeda ee Soomaaliya iyo Ruushka oo ku kulmaya Moscow

Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka oo gocday xiriirkii hore ee dalkiisu la lahaa Soomaaliya wixii ka horreeyay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya ay ka tashadeyn u diyaargarowga shirka madaxda Ruushka iyo Afrika ee lagu wado in uu qabsoomo bisha Juulaay. Sarkaal sare oo qeyb ka ahaa wafdiga wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya ee Moscow tagay ayaa BBC u xaqiijiyay in Lavrov balamahaas u fidiyay Soomaaliya inta uu socday shirka labada dhinac, iyo xitaa shirkii jaraa’id ee ay wadajirka u qabteen labada wasiir.

Sarkaalka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin intaas ka dheer ka bixiyo wada hadallada labada dhinac. Reer galbeedka ayaa hadda Ruushka ku eedeeyaa inay dalal dhowr ah oo Afrika ku yaal ka joogaan askar calooshood u shaqeystayaal oo ka tirsan kooxda Wagner la yiraa. Waxaa la tuhunsan yahay inay ka howlgalaan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mali, Mozambique, Libya iyo dalal kale.

Xigashada Sawirka,

Facebook/Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya

Qoraalka sawirka,Wasiiradda Arrimaha Dibeda ee Ruushka iyo Soomaaliya ayaa heshiis ku gaaray Moscow

Cabdisalaam Guuleed oo ah khabiir amni iyo taliye-xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa BBC u sheegay inay u eg tahay in kulamada labada dhinac ee Moscow ka dhacay kuwo muddo dheer laga shaqeynayay, isaga oo xusay in kaalmo ciidan oo laga helo Ruushka inay wax badan ka bedeli karto awoodda dowladda iyo amniga gudaha. “Soomaaliya way u baahan tahay dalal badan oo ka caawiya dagaalka Al-Shabaab. Ruushka waxa uu ka mid noqon karaa kuwa ugu mudan ee gacanta weyn geysan kara,” ayuu yiri Cabdisalaam.

Waxa uu se intaa ku daray in dowladda Soomaaliya u baahan doonto qorshe fadhiya, taxadar iyo tashi weyn sida ay u maareyneyso xiriirka ay dooneyso inay la yeelato Ruushka oo colaad weyn kala dhexeyso dalalka reer galbeedka ee ay Soomaaliya ku tiirsan tahay dhaqaale iyo siyaasad ahaan ba. “Ruushka waa dalka dhisay ciidamada Soomaaliy dhan tababar, qalabka, xitaa xeryaha ciidan oo hortiis ba ma jirin ciidan tabar weyn leh oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliye-xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya. Dowladda Ruushka ayaa hadda dedaal ugu jirta sidee xiriir iyo isbaheysiyo ula yeelan laahyd dalalka Afrika si ay ula loolanto dalalka reer galbeedka ee uu xiriirkoodu sii xumaaday wixii ka dambeeyay colaada Ukraine.

xigasho:BBCSomali