1 min read

Madaxweynaha Jubbaland oo Mareykanka kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland ย Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kulan kula qaatay Muqdisho Safiir kuxigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arimaha amniga, Siyaasada iyo goโ€™aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalku uu ku aadayo Doorashooyin dadweyne.

Safiir kuxigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Axmed Madoobe kulankooda iyo sida Madaxda Soomaalida ugu diyarsan yihiin la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland ย Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa dhankiisa uga mahad celiyay dowladda Mareykanka taageerada hagar laโ€™aanta ah oo ay siiso Soomaaliya.