1 min read

Dad Soomaaliyeed oo ku barakacay xero qaxooti oo mar hore la xiray.

Qoysas cusub oo gaaraya ilaa 50 ayaa si rasmi ah loo dajiyay xerada qaxootiga ee IFO 2 ee dalka Kenya, kuwaas oo badankood ka soo barakacay abaartii dhawaan ku dhufatay Soomaaliya.

Qoysaskan ayaa muddo bilooyin ah ku noolaa meel ka baxsan xerada qaxootiga ee ifo 1, halkaas oo ay ku wajahayeen nolol adag.

Qorshahan ayaa waxaa iska kaashanaya dowladda Kenya, iyo hey’addaha qaxootiga taageera. Qaxootiga cusub ee haatan la dejiyay xerada IFO2 ee dib loo furay waxaa kamid ah, Cabdiwaaxid Maxamed Daahir, oo BBC-da uga warramay farqiga u dhaxeeya halkii ay marka hore ku noolaayeen iyo xerada ay hadda ku suganyihiin.