1 min read

Hay’adda FAO oo sheegtay in ku dhawaad 7 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan cunno yari.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in malaayiin Soomaali ah ay weli waajahayaan cunno yaraan, waxaana qoraal kasoo baxay FAO lagu sheegay in ku dhowaad 6.6 milyan oo qof ay waajahayaan xaalad qalalaase cunto ah ama mid intaasi kasii daran ilaa bisha Juun ee sannadkan.

Waxay sheegtay hay’addani in qaar ka mid ah dadka ku nool saddex meelood magaalooyinka kala ah Buur Hakaba, Baydhaba iyo Muqdishu loo aqoonsaday inay halis ugu jiraan macluul.

FAO waxay sheegtay in gargaarka bani’aadminnimo, roobab da’ay iyo qiimaha cuntada oo hoos u socda ay khafiifiyeen halistii macluul dhacda, iyada oo ka digtay in ka jawaabista codsigii ahaa $2.6 bilyan ee hay’adaha gargaarku codsadeen uu weli hoseeyo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhowaan sheegay in la helay 15% codsigaas.