1 min read

Odayaasha dhaqanka ee waday dhexdhexaadinta dagaalka Laascaanood oo la kulmay shir guddoonka Golaha Guurtida.

Odayaasha dhaqanka ee waday dhexdhexaadinta dagaalka Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa maanta kulan la yeeshay shir guddoonka Golaha Guurtida.

Odayaasha dhaqanka ee koonfurta Soomaaliya uga yimid dhexdhexaadinta colaadda Sool, ayaa gaarey shaley magaalada Hargeysa.

Odayaashan ayaa kal hore tagey magaalada Laascaanood, halkaas oo ay kula soo kulmeen Garaadada SSC.

Waxey hawlahan dhex dhexaadinta ku jireen odayaasha in muddo ah.