1 min read

Midowga Yurub oo uga dhawaaqay Muqdisho mashaariic ku kacayso Malaayiin Doolar.

Midowga Yurub, ayaa Muqdisho uga dhawaaqay mashruuc ku kacaya 4.5 Milyan oo Yuuro.

Mashruucani ayaa looggu talagalay xasilinta deegaannada iyo degmooyinka laga saaray ururka Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa siinaya deegaannada laga saaray Al-Shabaab dhismaha saldhigyo boolis, qodista ceelal biyoodyo iyo rakibidda layrarka cadceedda ku shaqeeya.

Sidoo kale, mashruuca waxaa qeyb ka ah qabashada kulamo dibu- heshiisiin ah, oo loo sameeyo dadka ku nool deegaannada laga saaray Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa laga fulin doonaa maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Waxaa kolka koowaad lagu bilaabayaa magaalooyin ay kamid yihiin Xarardheere, Ceeldheer, Maxaas, Matabaan, Teedaan, Raage-Ceele iyo Aadan Yabaal.