1 min read

Minneapolis: Baahinta codka sare ee aadaanka salaadaha oo la oggolaaday.

Magaalada Minneapolis ayaa noqotay magaaladii ugu horeysay ee dalka Mareykanka’ ee ogolaata in Adaanka shanta salaadood laga sii daayo masaajidada.

Markii hore, xeerarka dhawaqa ee magaaladu waxay ka hor istaagi jireen masaajidada inay si toos ah u sii daayaan adaanka salaadda subax iyo fiidkii.

Duqa magaalada ayaa la filayaa inuu saxiixo qaraarkan cusub maalinta Isniinta ah.

Gudoomiyaha laanta Minnesota ee hay’adda CAIR Jaylaani Maxamed Xuseen ayaa ka waramaya dareenka muslimiintu ku qaabileen arintan.