1 min read

Ciidamada dowladda oo deegaanno hor leh Al-shabaab kala wareegay.

Warrarka ka imaanaya Dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada xogga Soomaaliya ay kooxda Al-shabaab kala wareegeen ku dhowaad 10 tuulo oo hoostaga gobolkaas.

Wakaaladda warrarka ee SONNA ayaa sheegtay in Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Kornayl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howlgalkan uu ugu baaqay shacabka tuulooyinkaan in ay soo dhoweeyaan ciidanka iyo dowladnimada soo gaartay.

Qaar ka mid ah dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa deegaanadaas ayaa la sheegay inay isaga baxeen.