1 min read

Nasashada Jimcaha. Q-352=Jisaarnimadu ma fiicno, wanaag wanaag ku guda, Allaah ayaa Qur’aanka noogu sheegay)

1. Abii Hureyra ayaa yiri: Rasuulkeena CSW ayaa yiri: Rasuulka Alle ayaa Lacnaday Ninkii ku labisto Dharka Haweenka iyo Haweenkii ku la bisto Dharka Ragga.
Rawaahu Abii Daa’uud. ( F.M: 1aad)

( kuwaasi wakhtigaan waa badan yihiin ee Allaah ha soo hanuuniyo)

2. Imaam Cali RC, ayaa yiri: waxaan u adeegay Geed Miruu ii dhalay, waxaan u adeegay Beni Aadam waa inkiray Adeegii. ( F.M:2aad)

( Jisaarnimadu ma fiicno, wanaag wanaag ku guda, Allaah ayaa Qur’aanka noogu sheegay)

3. Nin ayaa yiri: Alaahu Akbar kabiiraa, wal xamdu lilaahi kathiira, wa subxaana laahu Bukratan wa asiilaa. Nabiga CSW ayaa maqlay. Waan la yaabay, Waxaana loo furay Albaabada Jannada. ( F.M: 3aad)

Waxaa wariyay: Muslim.

( Maxaa kuu Diidayo in aad ku wardisu si Albaabada Jannadu kuugu furmaan, mise waxaad u maleeysaa in Ciidda kaliya la akhriyo)

4. Rasuulkeena CSW. Ayaa yiri: Ma jiro Muslim geeriyooda Maalin ama Habeen Jimcaad, Allaah waxa uu ka badbaadiyaa Fidnada Qabriga. (F.M:4aad)
Saxiixu Tarmidi.

(Saacad aan geeriyooneeyno mid Acmaasheeyna la aqbalo Alla ha nooga dhogo) .
Waxaan maqlay Nin Reer Gaalkacyo ah ayaa maqlay Xadiithkaan, markaa ayuu yiri iga waloo waa sidaan damacsanahay in aan jimco geeriyoodo.

5. Rasuulkeena CSW ayaa yiri: Qofkii rabo in uu xiriiriyo Aabihiis oo Qabriga ku jiro, ha xiriiriyo Akhwaankii Aabihii geeridiisa ka hor uu Xiriiri jiray. ( F.M:5aad)

( Xiriiri Dadkii waalidkaa Xiriiri jiray, waxa ay kaa fiirsanayaan, halkii ay waalidkaa ka fiirsa jireen)

6. Xadiith saxiix. Ma jirto Akhlaaq Beenta ka xun, Rasuulka agtiisa. ( F.M:6aad)

( Beentu in aynan Fiicneyn, Axaadiith badan ayaa naloogu sheegay. Adigguna waad ogtahay).

FG: wixii iga khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore:Yahya Amir