1 min read
Jilaaga Shah Rukh Khan oo mar kale caannimadiisa ay sare u kacday
Jilaaga caanka ah ee Shah Rukh Khan ayaa kaalinta 1-aad ka galay codbixinta 100-ka qof ee ugu saameynta badan majaladda Time.
Codbixintan, waxa uu kaga adkaaday shakhsiyaadka ay ka midka yihiin Lionel Messi, Amiirka Britain ee amiir Harry iyo Princess Meghan Markle, Michelle Yeoh iyo madaxa shirkadda Meta Mark Zuckerberg.
Wargeyska Time ayaa sahankan ka dhex samayay akhristayaashiisa iyada oo la weydiiyay shakhsiyaadka ugu saamaynta badan sannadkan. Codeynta, Shah Rukh Khan wuxuu helay boqolkiiba afar tirada guud ee codadka dhiibatay.
Shahrukh Khan filimkisa uu dhawaan soo saaray ee Pathan ayaa noqday mid si weyn u hirgalay oo loo daawaday Waxa uuna soo xareeyay lacag badan.