1 min read

Hindiya oo malaayiin dollar ah ugu deeqday Hawlgalka Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya.

Dowladda Hindiya ayaa ugu deeqday 2 milyan oo dollar Sanduuqa Qaramada Midoobay si ay ugu  taageerto Hawlgalka ciidanka midowga Afrika ee Soomaaliya Soomaaliya ee (ATMIS).

Dawlada Hindiya ayaa hore ,4 milyan oo dollar ugu deeqday howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Dowladda Hindiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya iyo Geeska Afrika.