1 min read

Madaxweynaha oo la dar daarmay ciidamo loo xil saaray sugidda amniga magaalada Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee shalay kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo dhawaan tababar ku soo qaatay dalka Yugaandha.

Ciidaman oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu tala-galay in ka qayb qaataan sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana hortagaan weerarada Al-Shabaab ay ka geystan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si feejignaan, hubin, kala-dambayn iyo turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdaan ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada  dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah weerarada Al-Shabaab.

Kormeerkan waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Taliyaha ciidamada Booliska soomaaliyeed.