Ciidamadda Dawlada iyo kuwa degaanka oo Hawlgallo ka bilaabay galbeedka degmada Buulaburte.
Ciidamadda dawlada Soomaaliyaa iyo kuwa deegaanka ayaa maanta hawlgallo a dhan ah Alshabaab ka wada degaano dhaca galbeedka degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.
Hawlgalladan ay ciidanka dawladaa soomaaliya iyo kuwa degaanka ay ka sameynayaan degmadaa Buulo burte ee gobolka hiiraan ayaa waxaa ku weliyaha Guddoomiyaha degmada Buuloburde Xasan Maxamed Cabdi, Xildhibaan Cabdiladiif Maxamuud iyo Korneyl Cabdinaasir Sheekh Cali iyo saraakiil kale oo Hawlagalladaan ka qayb qaadanaya .
Ciidamdada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa gaaray deegaanada Dhagaxyaale , Kiligubadle, Xarar iyo Boocaale oo Alshabaab muddo banad ay ku sugnaayeen , waxayna ciidanku burburiyeen fariisimo iyo dhufeysyo Alshabaab ka ameysteen deegaanadaas.